Casuura.com kala soco warar sugan & xoggo rasmi ah logo telesom Dahabshiil

Shir ay ku dhawaaqeen madaxda Dhaqanka gobollada Sool, K/Sanaag iyo Buuhoodle khaatomona lagaga arinsanayo

Guddi ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Buuhoodle kuwaas oo isku soo dubaridi doona Shirweyne ay yeelanayaan Beelaha dega Gobolada Sool, Koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle.

Shirkan oo ay ku dhawaaqeen Madaxda dhaqanka ayaa ahaa mid dhawrjeer dib u dhac uu ku yimi, waxaana hada la shaaciyey 27 xubnood oo la sheegay in ay ahaan doonaan gudiga qabanqaabada shirka ay beelahaasi yeelan doonaan.

Garaad C/salaan Xassan Maxamed Afhayeenka madaxda Dhaqanka oo aan la xidhiidhnay ayaa waxa uu sheegay in gudigaasi jiraan islamarkaana uu shirkani ahaa mid duruufo jirey oo abaartii baahsanayd ay ka mid ahayd u qabsoomi Waayey.

“Waa mid u furan dhamaan bulshada SSC in ay ka soo qayb galaan. ha ahaado mid Somaliland ka tirsan ama Puntland ama Khaatumo, amaba waxkale ha aaminsanaado, waxaa laga rabaa in talo laysu keeno oo laga arinsado wixii bulshadani ku midoobi lahayd ee masiirkeeda noqon lahaa” ayuu yidhi Garaad C/salaan.

Sidoo kale Maxamuud Warsame Cali oo ka mid ah gudiga la magcaabay waxa uu sheegay in gudi ahaan hawlo badan iyaga sugayaan, oo ay ka mid tahay, xiliga Suuragalka ay tahay ee shirka la qaban doono, ergooyinka ka soo qayb gelaya, dhaqaalaha uu shirkaasi u baahan yahay iyo qaabaynta Ajandaha,

Shirkan oo mudo dheer lagu soo celceliyey qabsoomidiisa ayaa la sheegay waqtiyo kala duwan lagu qaban doono magaalada Buuhoodle, taas oo ka feydan dhulka ay si toos ah u maamulaan maamulada Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo uu shirkani keeni karo waxyaabo aanay raali ku ahayn.

Golaha madaxada dhaqanka oo gaadhaya 15 ayaan wax khilaaf ah ka muujin in shikaasi beel ahaan laysugu yimaado isla markaana uu ka dhoco magaalada Buuhoodle.

Maamulka Khaatumo oo laba garab ah ayaan shirkaas saamayn ku yeelan doonin sida ay qirayaan xogo laga helayo madaxda dhaqanka, waxase aan meesha ka madhnayn in shirkan uu sababteeda lahaa Prof. Cali Khaliif Galayr oo hogaan u ah maamulka Khaatumo ka dib markii uu wadahadal la galay Somaliland.

2012kii ayaa shir kan oo kale ah oo beelahani u dhanyihiin lagu qabtay magaalada Taleex ee G. Sool kaas oo uu ka dhashay maamulka Khaatumo, haddaba waxaa isweydiintu tahay Soomaliland oo Shirkaas hore gacan siisay kan sidee ayay yeeli doontaa, Puntland oo feejignaan ka qabtey kii hore iyo kanba maxaa laga fili doonaa, door intee leeg ayay dawlada federaalka ahise ku yeelan doonta

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Riix Muuqaladan Hoose

Wararkii Maanta

Waa Kuma Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Sool Loosoo Magacaabaya
- Dec 18, 2017
Iyadoo Dhawaan Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Loo Caleema Saaray Xilka Madaxtinimo ...
Muuqaal: Australia oo Qabatay Basaas Waqooyiga Kuuriya u dhashay (Daawo)
- Dec 17, 2017
Dowladda Australia ayaa sheegtay inay xirtay nin lagu sheegay inuu basaas u ahaa Dowladda ...
DEG DEG Daawo: Xildhibaano ka tirsan DF-Somaliya oo Xilka laga Qaadayo iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Shaaciyey
- Dec 17, 2017
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali daahir oo Goordhaweyd Shir jaraaid ku ...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo ka hadlay Qadiyada Qudus – VIDEO
- Dec 12, 2017
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyey ee dowlada ...
Erdogan iyo Putin oo si wadajir ah u cambaareeyey Trump
- Dec 12, 2017
Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo soo dhaweyn balaaran usameeyey Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ayaa sheegay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah oo laga ...
DAAWO: Madaxwayne Farmaajo Shirka Turkiga iyo Go’aanka Qudus ee Somalia
- Dec 12, 2017
Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo waxa ay u ambabaxeen dalka turkiga ...
Qurba-joogta Deegaanka Horufadhi oo Waxqabad Muuqda bilaabay iyo Guriga Martida oo Xadhiga laga Jaray (Daawo)
- Dec 11, 2017
Qurbajoogta kasoo Jeeda degmada Horufadhi ee Gobolka Cayn ayaa Halkaasi ka Hirgeliyey Waxqabad kala ...
Madaxwayne Erdogan oo Luuqadii ugu Adkayd ku Weeraray Yuhuuda “Israa’iil waa Argagixiso, Caruurta disha (Video)
- Dec 11, 2017
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay dalka Israel “Dal Argagaxiso” ahna “DIlaaga carruurta”xilli ...