Casuura.com kala soco warar sugan & xoggo rasmi ah logo telesom Dahabshiil

Wiil uu dhalay Cali Cabdalla Saalax oo wacad ku maray in uu ka Aargoosanayo Xuuditiyiinta iyo fariin uu udiray

Iyadoo aad moodo in dagaalka Yemen uu yeeshay waji kale kaddib dikii madaxweynihii hore ee dalka Cali Cabdalla Saalax ayaa wiil uu dhalay oo lagu magcaabo Axmed Cali Cabdalle waxaa uu sheegay in uu ka Aargoosan doono Xuutiyiinta dilay Aabihii iyo dowladda Iiran intaba.

Waxaa uu sheegay in uu horkici doono dagaalka looga xoreynayo dalka Yemen Jabhada Xuutiyiinta, waxaana uu intaa ku darray in dilka Aabihii Dhagaha Iiraan ku noqon doono Naar waa sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Sanca ayaa maalintii shalay degeneyd kaddib markii duqeyntii ay huwanta Sacudiga joojiyeen waxaana maalmihii la soo dhaafay magaaladaas ka dhacayay dagaal xoog leh kuwaasoo geystey qasaare laxaad leh.

Hasse ahaatee kooxda Xuutiyinta ayaa dabaaldegyo ka dhigayay maanta oo dhan magaalada Sanca iyagoo ku faraxsan dilka Cali Cabdalle Saleh maadaama uu ahaa hogaamiye dhuunt u galay Xuutiyiinta afartankii sano ee la soo dhaafay.

Ururka Jaamacada Carabta ayaa cambaareeyay dilka madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalle Saleh. Sidoo kale Madaxweyaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi oo jooga magaalada Riyadh ayaa ku baaqay in shacabka Yemen ay kacaan kana soo horjeestaan Xuutiyiinta.

cabdalle.faratoon casuura.com

darwiish@casuura.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Riix Muuqaladan Hoose

Wararkii Maanta

Waa Kuma Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Sool Loosoo Magacaabaya
- Dec 18, 2017
Iyadoo Dhawaan Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Loo Caleema Saaray Xilka Madaxtinimo ...
Muuqaal: Australia oo Qabatay Basaas Waqooyiga Kuuriya u dhashay (Daawo)
- Dec 17, 2017
Dowladda Australia ayaa sheegtay inay xirtay nin lagu sheegay inuu basaas u ahaa Dowladda ...
DEG DEG Daawo: Xildhibaano ka tirsan DF-Somaliya oo Xilka laga Qaadayo iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Shaaciyey
- Dec 17, 2017
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali daahir oo Goordhaweyd Shir jaraaid ku ...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo ka hadlay Qadiyada Qudus – VIDEO
- Dec 12, 2017
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyey ee dowlada ...
Erdogan iyo Putin oo si wadajir ah u cambaareeyey Trump
- Dec 12, 2017
Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo soo dhaweyn balaaran usameeyey Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ayaa sheegay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah oo laga ...
DAAWO: Madaxwayne Farmaajo Shirka Turkiga iyo Go’aanka Qudus ee Somalia
- Dec 12, 2017
Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo waxa ay u ambabaxeen dalka turkiga ...
Qurba-joogta Deegaanka Horufadhi oo Waxqabad Muuqda bilaabay iyo Guriga Martida oo Xadhiga laga Jaray (Daawo)
- Dec 11, 2017
Qurbajoogta kasoo Jeeda degmada Horufadhi ee Gobolka Cayn ayaa Halkaasi ka Hirgeliyey Waxqabad kala ...
Madaxwayne Erdogan oo Luuqadii ugu Adkayd ku Weeraray Yuhuuda “Israa’iil waa Argagixiso, Caruurta disha (Video)
- Dec 11, 2017
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay dalka Israel “Dal Argagaxiso” ahna “DIlaaga carruurta”xilli ...