Casuura.com kala soco warar sugan & xoggo rasmi ah logo telesom Dahabshiil

DEG DEG Puntland Oo Dagaalka Gashay Iyo Xabadda Oo Hada Toos Ubilaabatay Hada….

Wararka Warsidaha Casuura.com uu haatan ka helayo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheeegaya in hada ay ka baxeen gudaha magaalada Garoowe ciidamadii ugu badnaa Puntland kuwaas oo fooda saaray deegaanka Faliidh yaale oo haatan dagaalku ka socdo.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubkii ugu cuslaa abid ayaa kusoo qul qulaya jiida uu ka socdo dagaalku, waxaana sii kordhaya ciidamada gurmadka ah ee gaadhaya deegaankaasi Faliidh yaale ee gobolka Sool.

Hogaamiyaha ka arimiya goboladda Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa wacad ku maray in ay soo xidhi doonaan xuduud beeneedka uu sheegto maamulka Somaliland ee Yoocada xili maalintii shalay ahayd uu soo gaadhay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xaalada magaalada Garoowe ayaa maanta kacsan, waxaana goobaha kala duwan ee magaalada lagu arkayaa gaadiid dagaal iyo ciidamada Puntland oo kusii jeeda goobta uu dagaalku ka socdo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa ku dhawaaqay goor dhoweyd in xaalad dagaal la isku diyaariyo lagana hor tago duulaanka qaawan ee ciidamada maamulka Somaliland ay kusoo qaadeen caasimada Puntland ee magaalada Garoowe.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Riix Muuqaladan Hoose

Wararkii Maanta

Daawo: Madax-dhaqameedka Garxajis oo Shaaciyey Xiliga Shirkooda, Iyagoo Dagaalka ku eedeeyay Muuse Biixi
- Jan 22, 2018
Madaxa-dhaqameedka Beesha Garxajis ayaa Shaaciyay Wakhtiga ay Sida Rasmiga Ah u qabanayaan Shirwayne ay Qaban-qabaadiisa Wadeen ...
MUUQAAL: C.raxmaan Saylici oo Tagay Goobihii S.land ka Qabsatay Puntland
- Jan 22, 2018
Madaxwayne Ku Xigeenka maamulka Somaliland C/Raxmaan Saylici oo saaka soo gaadhay magaalada Laascaanood ayaa ...
Daawo Video:Muuse Biixi oo Lagu Canaantay Dagaalka Dadka Badani ku Dhinteen ee Ceel afwayn
- Jan 22, 2018
Dagaalka Beelaha ee ilaa Shalay ka Soconayey Deegaanka Darara wayne ee Gobolka Sanaag ayaa ...
WAR DEG DEG :Baarlamaanka Puntland oo dagaal ku baqay xalada oo cakiran sasaan coladeed oo laga dareemayo
- Jan 19, 2018
Kulan deg-deg ah oo wadatashi ayaa waxaa isugu yimid Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland, ...
Magaalo maalinkii 6 daqiiqo oo kali ah dadku ay qorraxda arkaan
- Jan 19, 2018
Waxaad qiyaastaa in bishii 6 daqiiqo oo kali ah aad hesho ama aragto iftiinka ...
WAR DEG DEG DAAWO : madaxwayne farmaajo oo ka hadlay arimo la xidhidha safarkii puntland
- Jan 19, 2018
madaxwaynaha dowlada fadaraalka somaliya mudane maxamed cabdilaahi farmaajo ayaa ka hadlay safarkiisa puntland waxaana daawo ...
(Video) Madaxda Khaatumo Oo Fariintii Ugu Adkayd U Diray somaliland Iyo Qorshaha Xoraynta Khaatumo
- Jan 19, 2018
Madaxweyne kuxigeenka khaatumo Bashiir Cabdi Xaashi iyo gudoomiyaha baarlamanka khaatumo Cabdilaahi Jaamac Xirsi oo ...
(Video) Garaad Saleebaan Oo Soo Qaatay Qoriga Ak 47 Iyo Hadalkii Ugu Cuslaa Ee Bulshada Ugu Baaqay
- Jan 19, 2018
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,  Wasiir Faarax Maxamed Warsame, Iyo Gaashaanle Sare Axmed Gaani Cali ...
WAR DEG DEG :(Video) Wali Ma Aragtay Qolka Yar Xabsiga Laascaanood Ee somaliland Dadka Ku Xidho Wariyayaal fariin Ka Soo Diray
- Jan 17, 2018
Laba Suxufi Oo ku xidhan xabsiga dhexe ee laascaanood ayaa ka warbixiyay xaalada ay ...
WAR DEG DEG: R/wasaaraha Itoobiya iyo Muuse Biixi Cabdi is khilafay iyo cabsi xoogan
- Jan 17, 2018
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo kullan gaar ah la yeeshay madaxweynaha maamulka Somaliland ...