Warbixin Dhamays Tiran 2001 Barigii Puntland-ta Lawada Lahaa.
Goobtu waa madaxtooyaddii hore ee Puntland waxaa loo diyaar garoobayaa doorashadii 2005, waxaa socda olole xooggan oo uu dadaalkeeda uu lahaa madaxweynihii xilligaas kala guurka Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, dadaalkiisu wuxuu ahaa in doorashadu dhacdo oo aanay baaqan, waxaanay ahayd doorashadii ugu horaysay ee Puntland si la xiisaynayo uga qabsoontay, tii ka horaysay waxay ahayd 2001, taas oo khilaaf ba’ani ka dhashay ka dib markii Jaamac Cali Jaamac la doortay, uuna sharci daro ku tilmaamay ilaahay hawnaxariistee Cabdilaahi Yuusuf,dagaal sokeeyana ka qarxay Puntland.
Xilligan Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ku dadaalayey in Puntland doorasho xalaal ahi ka dhacdo, waxaase jiray loolan adag oo heshiis dhex maray Cadde Muuse iyo Cabdilaahi Yuusuf ilaahay haw-wada naxariistee gun dhig u ahaa, kaas oo qorshihiisu ahaa haddii Cabdilaahi Yuusuf Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya Cadde-na uu madaxweyne ka noqdo Puntland, qaabkaas oo uu diidanaa Maxamed Cabdi Xaashi, xilligaa kulan ka dhacay Madaxtooyadii Puntland wuxuu tilmaamay Maxamed Cabdi Xaashi in aanay habboonayn in laysla soo sharaxo oo uu isagu xaq u leeyahay in uu Puntland madaxweyne ka noqdo, wuxuu tusaale u soo qaatay odhaah deegaanka Bariga caanka ahayd xilli hore“ wixii Badda Boqorkaa leh, wixii banaankana Boqorkaa leh” taas oo macnaheedu yahay haddii canbar Badda ka soo caaryo boqorkaa leh, cashuurta banaankana Boqorkaa leh, taas oo uu ku macneeyey Puntland Madaxweynaan ka noqon, Soomaaliyana madaxweynaan ka noqon, wuxuu yidhi Maxamed Cabdi Xaashi arrintaasi ma habboona.
Xilligaa difaaca jiidu wuu adkaa, hasa yeeshee doorashadiina waa dhacday Cadde-na madaxweyne ayuu noqday, ciidan Puntland yeelatana xilligaas ayaa ugu danbeeyey , ciidankii jiida joogayna waxaa loo qaaday Baydhabo iyo Jawhar, maanta waxaan hubaa in Somaliland socon karto ilaa Badhaxley oo wax ka hortaagan aysan jirin.
Sawirka muuqadaa waa Xasan Geerash, Carfi Jaamac Dhurwaa, Cali Caydiid Xasan Cadde(IHN) Iyo Madaxweyne Cabdi Xaashi, wuxuuna kulankani ka dhacay madaxtooyada Garoowe bishii koowaad 2005,wuxuuna ku saabsanaa Carfi Jaamac Dhurwaa, Xasan Geerash Iyo Cali Caydiid Xasan Cadde oo sheegayey in ay ka tanaasuleen musharaxnnimada madaxweynaha Puntland
,garabna taagan yihiin Maxamed Cabdi Xaashi.