Casuura.com kala soco warar sugan & xoggo rasmi ah logo telesom Dahabshiil

Dowlada Soomaliya oo Dacwo ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Golaha QM

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan ayaa ashtako ka dhan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isagoo sheegay in Imaaraadka Carabta ay ku xadgudubtay qaranimada dalka Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle oo qudbad u jeediyay golaha ammaanka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay golaha ammaanka iyo madaxweynaha cusub ee golaha ammaanka.

Qudbadiisa oo ka koobneyd saddex bog ayaa waxa uu ku eedeeyay dowlada Imaaraadka Carabta heshiiska ay shirkada DP World la gashay maamulka la magac baxay Somaliland waxana uu sheegay danjiruhu inay tahay xadgudub lagula kacay xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya.

“Dowlada Federalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa xadgudubka lagula kacay waxana ay qaadi doonto wax walba oo ay ku ilaalin karto qaranimadeeda iyo jiritaankeeda.”ayuu yiri danjire Abuukar Baalle.

Qudbadiisa ayuu sidoo kale danijre Abuukar Daahir Cismaan ku sheegay in heshiiska ay Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Somaliland ay wadagaleen labo sano kahor taasoo ah in dowlada Imaaraadka Carabta ay saldhig Milatari ka sameysato magaalada Berbera uu xadgudub ku yahay cunoqabataynta saaran dalka Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey in tallaabada lagama maarmaanka ah ka qaataan arrinta saldhigga Milateri ee Imaaraadka carabta ka dhisanayo Berbera, taasoo uu xusay inay caqabad ku noqon karto cunqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Sidoo kale Danjire Abuukar Baalle ayaa walaac ka muujiyay khudbadaha Madaxda UNSOM ka jeediyaan shirarka arrimaha siyaasadda, kaasoo uu ku sheegay inay si qaldan uga hadlaan arrimaha Soomaaliya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Riix Muuqaladan Hoose

Wararkii Maanta

Boqor Buur-madow iyo Cabdi wali Gaas Maxaa kala Qabsaday, Xiisada Puntland iyo S.land (Daawo)
- Apr 15, 2018
Boqor Cismaan (Buur-madow) oo kamid ah isimada dhaqanka Somaliland ayaa ka hadlay Xiisada Puntland ...
DHEGAYSO-Isimadii Ka Socdey Somaliland oo War Ku Aadan Xaaladda Tukaraq Carmo Kaga Dhawaaqay Lana Hadlay Madaxweyne Gaas iyo Muuse Biixi.
- Apr 15, 2018
Qaar kamid ah isimada soo jireenka ah ee ka soo jeeda deegaamada Puntland oo ...
Daawo: Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay wuxuu ku arkay Soomaalidii Isugu timid Carmo & Cida kala fogeysa
- Apr 15, 2018
Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante oo Khudbad Qiimo leh ka jeediyey Munaasibada Caano-shubka Beel ...
DAAWO VIDEO : Caaqil Sanyare Shirkii Maanta Wax Garadka Laascaanood Kaga Tashanayeen Nabad Galyadda Laascaanood
- Apr 14, 2018
Laascaanood (Casuura.com) Caaqil Sanyare Oo Kamid ah cuqaasha magaaladda laascaanood ayaa ka hadlay shir ...
DAAWO VIDEO -: Boqor Khadar Cali Jaamac Oo Runta Usheegay Wasiirka Biyaha Somaliland Buuq Iyo Muran Ka Dhashay…..
- Apr 14, 2018
Laascaanood (Casuura.com) Waxaa maalmihii Ugu Dambeeyay Magaaladda Laascaanood Ka socday shirar ay Isugu Imanayeen ...
Warbixin Maxaa Kala Qabsaday Wax Garadka Magaaladda Laascaanood Iyo Masuuliyiin Somaliland Ka Socday.
- Apr 14, 2018
Shir Maalmihii Ugu Dambeeyay Usocday Odayaasha Cuqaasha Iyo Wax Garadka Magaaladda Laascaanood Lagagana Tashanayay ...
Daawo Video:Muran ka Taagan Xilka uu Muuse Biixi ka Hayo Xisbiga Kulmiye ee Somaliland
- Apr 13, 2018
Maxamed Cali Rayte oo ah Xildhibaan ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka Hadlay ...
Safarka madaxwaynaha Soomaaliya ee Dalka Sucuudiga iyo Xog ku saabsan !
- Apr 12, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa ...
Daawo Qubanaha VOA: Xiisada Somalia iyo Imaaraadka iyo Qodobo Xiiso badan
- Apr 12, 2018
Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo lagu soo Qaatay Qodobo Xiiso ...
Dhegayso: Taliye Gorod oo ka hadlay Warqad uu ku dalbaday in la Fasaxo Lacagtii Imaaraadka ee la Qabtay
- Apr 12, 2018
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa markii u horeysay ka ...