Waxaan ayaamahan aanu miidiyaha ka maqlaynay in shir lagu qabanayo Tuulada HolHol oo ka tirsan degmada Xudun kadib markii ay odayaasha iyo cuqaasha deegaanka iska wareysteen shirka cidda wadda ujeedadiisa waxaa noo soo baxday in aan reer xuddun waxba kala socon
Sidaa awgeed maadama lagu jiro xili xasaasi ah xog siyaasadeed iyo xag nabadgelyoba lagalana tashan guurtida iyo waxgaradka deegaanka degmada xuddun
waxaanu cidkasta oo ay warqadani ku socoto xasuusinaynaa in xilligan adag ee lagu jiro aanay jirin xukuumad iyo maamul la isla wada ogolyahay sidaa awgeed beelwalba deegaankeeda aan loo dhaafi karin maamulkiisa iyo taladiisa
Gebogabadii hadii aannu nahay odayaasha magacyadooda hoos ku xusan yihiin in aan holhol lagu qaban karin shir aannaan annagu ogalaan
Cidii isku deyda shir aanaan ogeyn inay ku qabato wixii dhibaato ah ee halkaasi ka dhaca iyo iyaga ayaa mas,uul ah
Magacyada Odayaasha Baaqa soo saaray
1. Nabadoon Jaamac Maxamed Xassan Falaalug
2.Wakiil Nabadoon Cumar Xassan Askar
3.Wakiil Nabadoon Yaasiin Cabdi Sheekh
4.Nabadoon Xuseen Aadan Cadde
5.Nabadoon Cabdirashiid Cabdi Cilmi
6.Oday Muuse Xassan Falaalug
7.Oday Faarax Jaamac Axmed
8.Oday Cabdullahi Cawad Guuleed
9.Oday Keyse cawil Cali boobe
10.Khadar Maxamuud Fardaale
11.Jaamac Faarax Cadde
12.Jawte Jaamac Faarax
13.maxamed Jaamac Cadde
14. Jaamac Ismaciil Guuleed
15.Cabdi Ducaale Cabdalle
16. maxamud saalax Oogle
17. Xassan Cisman Cabdalle
18. Muuse Xaaji Cabdalle
19 Kilwe Xassan Jibriil
