Jaamacadda Nugaal Oo Dufcaddii Ugu Horaysay Qalin Jabinayso 25 Bishan

Maamulka Jaamacada Nugaal University Laascaanood ayaa waxay ku wargelinayaadhamaan dadweynaha in 25,Janauary,2010-kala qaban doono xafladii qalin jabinta dafacadii koowaad Ee ardayda dhigata jaamacada Nugaal University iyada oo lagu qaban doono insha alaahu Hutel Xamdi.

Sidoo kale waxay maamulku soo soo dhaweynayaan qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo qayb galaysa waxayna leeyihiin ku soo dhawaada gacmo furan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarasho ee deegaanka.
 
Ugu danbayntii Jaamacada Nugaal University ayaa ah Jaamacada kaliya ee ka jirta Gobolka Sool iyadoo ay dhigtaan arday aad u tiro badan kana kaafisay arady badan inay u doontaan gobolo kale Jaamacad kana haqab tirtay.
Tags:

User login